Community Discussions

Intellectual Debates

Join thought-provoking debates, panels, and intellectual discussions on pressing community challenges.

Upcoming Debates

Daahfurka madasha xaliyayaasha ee  " halabuur voluntary network"
Events

Daahfurka madasha xaliyayaasha ee " halabuur voluntary network"

Dooddan waxay ku saabsan tahay daahfurka iyo fahamka Halabuur, iyadoo maamulka Halabuur uu bulshada iyo xaliyaasha u sharxayo sida madashu u shaqayso. Waxaa laga wada hadli doonaa: Waa maxay Halabuur? Maxaa keenay baahida loo qabo madal noocan ah? Sidee bulshada loogu beddeli karaa caqabado cad oo xal loo raadinayo? Sidee qofku ku noqon karaa Xaliye (Solver)? Sidee xaliye u heli karaa caqabad ku habboon aqoontiisa iyo xirfaddiisa? Sidee xaliye u soo gudbin karaa fikraddiisa ama xalkiisa? Sidee maamulka Halabuur u qiimeeyaa una ansixiyaa xalalka? Maxaa dhacaya marka xal wanaagsan la helo? Sidee la-taliyayaal iyo khubaro uga caawin karaan xaliyaasha horumarinta fikradahooda? Sidee hay’adaha, bulshada iyo maalgeliyayaashu uga qaybqaadan karaan hirgelinta xalalka? Sidee Halabuur uga qaybqaadan karaa in kartida maxalliga ah loo beddelo saameyn dhab ah oo bulshada gaarta? Halabuur hadda wuxuu leeyahay qaybo ay ka mid yihiin Caqabadaha, Xalalka, Xaliyaasha, La-taliyayaasha iyo Mashaariicda, taas oo ka dhigaysa madasha meel lagu xiriirin karo fikradda, khabiirka iyo caqabadda.

Oct 17, 2026 at 9:00 PM
Online(Zoom)
Xalka shaqo la,aanta dhalinyarada
Youth Employment(Shaqo abuurka)

Xalka shaqo la,aanta dhalinyarada

Shaqo la’aanta dhalinyaradu waa mid ka mid ah arrimaha muhiimka ah ee u baahan dood furan, xog ku salaysan iyo xalal la fulin karo. Dooddan waxay fursad siinaysaa dhalinyarada, khubarada, ganacsatada, hay’adaha dowladda iyo bulshada inteeda kale inay si wadajir ah uga hadlaan sababaha keena shaqo la’aanta iyo caqabadaha hortaagan dhalinyarada marka ay raadinayaan shaqo. Dooddu waxay sidoo kale diiradda saari doontaa nidaamka shaqaalaysiinta iyo su’aasha ah in dib loo eego Sharciga Shaqada iyo kala-xadaynta shaqooyinka ay mudnaanta leeyihiin muwaadiniintu iyo kuwa loo oggolaan karo shaqaalaha ajaanibta ah. Ujeeddadu ma aha in ajaanibta laga hor istaago ka qaybqaadashada dhaqaalaha, balse waa in la iska weydiiyo sida loo xaqiijin karo in muwaadiniintu helaan mudnaanta fursadaha shaqo, halka shaqaalaha ajaanibta ahi ay buuxiyaan xirfadaha iyo aqoonta dalka looga baahan yahay ee aan si ku filan looga heli karin muwaadiniinta. Dooddu waxay ka hadlaysaa su’aalo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Maxay yihiin sababaha ugu waaweyn ee dhalinyarada u waayaan shaqo? Ma jiraan caqabado ku jira nidaamka shaqaalaysiinta iyo Sharciga Shaqada? Ma jiraan shaqooyin ay qaban karaan muwaadiniintu oo ay hadda hayaan shaqaale ajaanib ahi? Sidee loo abuuri karaa nidaam Citizen-Reserved Employment Framework ah oo muwaadiniinta shaqooyinka mudnaanta siinaya? Xaaladdee ayaa loo oggolaan karaa shaqaale ajaanib ah marka xirfadda looga baahan yahay aan laga helin muwaadiniinta? Sidee loo horumarin karaa tababarka iyo xirfadaha dhalinyarada si ay u buuxiyaan shaqooyinka hadda u baahan xirfado gaar ah? Sidee dowladda, ganacsatada iyo hay'adaha waxbarashadu uga wada shaqayn karaan xal waara?

Oct 30, 2026 at 8:00 PM
Online(Zoom)
Challenge Topic Solution Topic

Past Debates

No past debates found.